Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro laga soo qaaday Saldhigii Ciidamada Danab ka baxeen ee Janaay Cabdalle iyo Al Shabaab oo..

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dib ula wareegay Deegaanka Janaay Cabdalle oo dhawaan dagaal kula wareegeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ciidamada Danab iyo Kuwa Jubbaland ayaa markii ay la wareegeen deegaanka Janaay Cabdalle ka sameestay saldhig ciidan , waxaana sawirro Al Shabaab kasoo qaadeen saldhigaasi muujinayeen goobtaasi oo haawaneysa ayna ka muuqdeen raadadka ciidankii ka guuray.

Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan oo isugu jiray ismiidaamin iyo kuwa toos ah ku qaaday saldhiga Janaay Cabdalle markii lagala wareegay taas oo soo dedejisay in ciidamada isaga baxaan saldhigaasi.

Deegaanka Janaay Cabdalle ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo isku xira magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, waxaana deegaankaasi mudo dheer gacanta ku hayay Al Shabaab oo marar dhoor ah laga saaray hadana dib ugu soo laabanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Doonyo kalluumeysi oo lakala qabsaday iyo xiisad ka dhalatay oo taagan

Cabdi Cade

Deni oo Salaada ciida kala qeyb galay qaar ka tirsan shacabka Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Rag lagu tuhmayo in Al Shabaab basaas u ahaayeen oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---