Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor imaad goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo ka gadoodsan mudo kororsiga Dowlada iyo ciidamo katirsan Nabad sugida uu ka dhacay agagaarka Isgooska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan ayaa isku rasaaseeyay halka loo yaqaan Baana-raama oo katirsan xaafada Sanca, waxaana dadka deegaanka ku warameen in labada ciidan daqiiqado isku ridayeen rasaas kala duwan.

Ciidamada is rasaaseeyay ee kala ah milatari gadoodsan iyo kuw Nabad sugida yaaa wali isku hor fadhiya halkii ay isku rasaaseeyeen, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in mar kale labada ciidan dagaalamaan.

Muqdisho maanta waxaa ka taagan xiisad dagaal , waxaana magaalada soo galay ciidamo badan oo katrirsan milatariga kuwaa oo kasoo horjeeda mudo kororsiga dowlada sameesay, waxaana laga cabsi qabaa in  ciidamadan isku dhacaan ciidanka kale ee dowlada.

Waxii warar ah ee kusoo kordha xiisadan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/lg6vBnmt1B0

Related posts

Nin gubay qabri ay ku aasneed Sodohdiis iyo Sababta keentay oo la ogaaday !!

Cabdi Cade

Golaha amaanka QM oo isku raacay xabad joojin deg deg ah & Israel oo ku gacan seyrtay

Caydiid Ali

Mustafe Cagjar oo mar kale loo dhaariyey Madaxweynaha degaanka Soomaalida (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---