Allbanaadir.com
NEWS

Shiikh Xuseen Xaaji Max’ed Tuuryare oo caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa Xaafada Sanca ee Magaalada Muqdisho waxay ku dileen Shiikh Xuseen Xaaji Max’ed Tuuryare oo ka tirsanaa culimada dariiqada Suufiyada.

Shiikhan ayaa waxaa la sheegay iney kooxo hubeysan oo bastoolado watay ku toogteen meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla degaanka Sanca sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah.

Ninkan ayaa  caanka ahaa degaanka Sanca oo uu ku lahaa Mowlac, wuxuuna ka mid ahaa wadaadada dadka quraanka saara ama u akhriya marka ay qabaan ducooyinka ama ALLE bariga.

Laam oga illaa hadda sababta loo dilay wadaadkan iyo cida ka dambeysay, balse dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee saacado gudahood ka dhaca Muqdisho galabta ayeyna aheyd markii Suuqa Bakaaraha ay kooxo hubeysan ku dileen nin dhalinyaro ah, iyagoo ka dibna meydkiisa filim ka duubtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo dib loo furay & shuruudo cusub oo la soo rogay

Caydiid Ali

Weerar Qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotelka Tawakal iyo rag hubeesan oo hotelka galay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si maamuus leh u qaabilay Axmed Burhaan Max’ed (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---