Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Weerar Qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotelka Tawakal iyo rag hubeesan oo hotelka galay

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in goordhaw weerar xooggan oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah lagu qaaday hotelka Tawakal ee kuyaalla Kismaayo.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Kismaayo ayaa lagu weeraray hotelka Tawakal, waxaana qaraxa kaddib la maqlayaa rasaas xooggan oo lasoo sheegayo in ay yihiin weerar rag hubeesan ku galeen dhismaha hotelka.

Ciidamada ammaanka Jubbaland oo goobta gaaray ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka dableyda hubeesan goordhaw ku galeen dhismaha hotelka Tawakal oo kamid ah hoteelada caanka ah ee kuyaalla Kismaayo.

Sida aan wararka horu dhaca ah ku heleyno qaraxan goordhaw lagu weeraray hotelka Tawakal ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta weerarku ka dhacay degdeg u gaaray ciidamada amniga.

Waxii warar ah ee kusoo kordha weerarkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Jabuuti oo si kulul uga hadashay Muwaadiniin looga dilay magaalada Diri-dhabe

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay xukunka lagu riday askar ka tirsan AMISOM

Caydiid Ali

Raisul wasaare Abiy Axmed oo shaqada ka eryey Saraakiil hor leh, kuwo cusubna ku bedelay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---