Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jidadka Muqdisho qaarkood oo saaka xiran & ciidamo hubeysan oo la soo dhoobay

Qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saaka la xiray, waxaana la soo dhoobay ciidamo hub kala duwan wata oo ka tirsan kuwa dowladda.

Dad badan oo cagtooda maalaya ayaa lagu arkayaa saaka jidadka xiran kuwaasoo ku sii jeeda shaqooyinkooda iyo goobaha Waxbarashada ka dib markii ay waayeen gaadiid ay raacaan.

Meelaha qaarkood waxaa ka shaqeynaya gaadiid goos goos ah oo aan meel fog ku gaarsiineynin iyo mooto bajaajyo ka dhex shaqeynaha jidadka qardo-jeexa ah ee xaafadaha qaarkood.

Sababaha loo xiray jidadka Muqdisho qaarkood si rasmi ah looma oga, balse waxaa magaalada ku wada sugan madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada oo la filayo inuu maanta shir uga furmo Muqdisho inkastoo wararka qaarkood sheegayaan inuu dib u dhacay.

Marka magaalada ay joogaan madax culus ayaa looga bartay DF iney xirto jidadka muhiimka ah ee magaalada qaarkood inkastoo madaxda joogta ay dhamaantood yihiin kuwa Soomaalida, aysana jirin wufuud ajaaniib ah inta la og yahay.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaaf oo mar kale shaaciyay in Dowlada Federaalka dagaal adag kula jirto maamulkiisa

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay shir ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xubnaha labada Aqal ee Jubbaland oo ka hadlay baaqii Axmed Madoobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---