Xaaf oo mar kale shaaciyay in Dowlada Federaalka dagaal adag kula jirto maamulkiisa

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta ku laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaasay in aan wali wax xal ah laga gaarin khilaafka kala dhaxeeya doewlada federaalka Soomaaliya.

Xaaf ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya wali dagaal adag kula jirto maamulkiisa, waxa uuna cadeeyay in aysan waxbo ka fulin heshiisyadii ay horey ula galeen dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf kulankii Farmaajo ee ka dhacay Garawe iyo waxyaabihii lagu heshiiyay aysan waxbo ka fulin, waxa uu sidoo kale xusay in wax natiijo ah aysan kasoo bixin wadahadal dhanka Telfoonka ah uu kula yeeshay Fahad Yaasiin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug in ay isku duubni muujiyaan si looga maarmo dowlada Federaalka Soomaaliya uu sheegay in aysan waxbo u qaban dadka degan Galmudug.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyada ku yeesheen Garawe la sheegay in la isku soo dhawaaday waxyaabo badana laga heshiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -