Maxaa ka jira inuu dib u dhacay maanta shirkii madaxda DF iyo dowlad goboleedyada?

Shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo maanta la filayey inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia.

Madaxweynaha dowladdda Federaalka  Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku soo casuumay shirkan, oo la qorsheynayo inuu ka furmo madaxtooyada Somalia.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Deni oo horey ugu sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ku soo biiray Madaxweyne-yaasha maamulada Galmudug,  Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Shirka ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee uu muranka badan dhaliyay.

Inkastoo Villa Somalia aysan war ka soo saarin sababaha dib u dhaca shirka ayaa haddana wararka qaarkood waxay sheegayaan in loo aaneynayo xalinta khilaafaad hoose oo u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo fulinta shuruud uu wato Axmed Madoobe oo ah in ciidamada DF laga soo saaro gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya iney u badan tahay in shirku furmo Sabtida soo socota, iyadoo inta ka horeysana la doonayo in lagu xaliyo mad madowga jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -