Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Galmudug oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo (Daawo Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koomfur Galbeed Soomaaliya gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayay.

Wafdiga Madaxweyne Qoor Qoor waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u tagay magaalada Baydhabo ka qeyb galka shir wadatashi ah ay yeelanayaan madaxda maamulada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Sadexdan Madaxweyne maamul goboleed ayaa shirka kadib la filayaa in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweynaha dowlada Federaalka ee beri ka furmaya Muqdisho.

Related posts

Madaxweyne Trump oo shaaciyay in uusan la hadleyn Xi Jinping iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Taliye Xijaar oo Digniin u diray ciidamada booliiska ee ku sugan Koontaroolada Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo howlgalo culus kawada Degmada Wanlaweyn iyo hareeraheeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---