Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Degaanka iyo Isbedelka Cimilada DF oo digniin u dirtay shacabka Cadale

Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada dowlada Somalia ayaa digniin ka soo saartay Fuustooyin ku soo caariyay Xeebta degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

Fuustooyinkan oo ah kuwo afka xiran ayaan la ogeyn waxa ku jira, iyadoo dadka degaanku ka walaacsan yihiin in sun iyo kiimikooyin waxyeelo geysan kara ay xambaarsan yihiin.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada dowlada Somalia ayaa looga digay dadka degaanka ineysan u dhowaan fuustooyinkaas, iyadoo maamulka degmada Cadale lagu wargeliyey iney xiraan aagaas.

Wasaarada ayaa sheegtay iney rag khubaro ah u direyso degmada Cadale si loo ogaado waxa fuustooyinkaas ku jira iyo waxyeelada ka soo gaari garta dadka iyo degaanka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo tababar usoo xiray Saraakiil ka qalin jabisay Turksom (Sawirro)

Cabdi Cade

DF oo mar kale dalka ku soo celisay Muwaadiniin ku xanibnaa dibeda (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo hakisay ka qeyb galka shirarka deyn cafinta ee ay waddo DF (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---