Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Goodax oo ka hadlay sida laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka

Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay sida laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.

Wasiir Goodax Barre oo ka hadlayey barnaamij ka baxayey warbaahinta dowlada ayaa sheegay in marnaba aysan dhici karin in Shahaado la siiyo Arday aan gelin imtixanka dowladda, isla markaana Ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare.

Waxaa uu arrintaas dhibaatada ka timaada dusha ka saaray maamulka Puntland oo uu sheegay ineysan ka fekeynin aayaha iyo mustaqbalka caruurta degaanadaas ku nool.

Madaxda Sare ee Puntland ayuu ugu baaqay in aan la siyaasadeyn imtixaanka iyo waxbarashada Carruurta, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay in Ardayda Puntland aysan helin shahaadada.

Waxaa uu sheegay in sida ay doonayaan madaxda Puntland ee la xiriirta qaadista imtixaanka ay wax badan oo kale meesha ka bixi doonaan uuna imaan doono tafaraaruq, waxaana uu Puntland ugu baaqay inay qaataan Buugaagta Manhajka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daniele Donati oo gaaray Garawe lana kulmay Madaxweyne Gaas (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xukun Dal dalaad ah oo lagu fuliyay saddex nin oo u xirnaa dowladda Iran

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Amar saameenaya Wasiiradda siiyay Wasiirka Maaliyadda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---