Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Amar saameenaya Wasiiradda siiyay Wasiirka Maaliyadda

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa qoraal uu u diray wasiirka maaliyadda ku amray in qeyb kamid ah lacagaha Gunada ah oo ay qaataan Xubnaha Golaha wasiirada iyo Shaqaalaha joogtada ah.

Qoraalka uu soo saaray ra’isul wasaare Xamse Barre ayuu ku amray in lacagaha Gunnada ah oo ay qaataan Xubnaha Golaha wasiirada laga jaro 20%, sidoo kale Shaqaalaha joogtada ah iyana laga jaro 5%.

Lacagahan gunnada ah ee laga jarayo golaha wasiiradda Soomaaliya iyo shaqaalaha joogtada ah ayaa lagu maalingelin doonaa howlgalada ciidamada dowladda Soomaaliya kula dagaalamayaan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne caan ah oo xilal sare u magacaabay dad sanado ka hor geeriyooday

Caydiid Ali

Waa tee Dowlada Islaamka ah ee boobka uga badan ka gaysata xeebaha Somalia

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo qabtay nin ku eedeysan fal dambiyeed culus (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---