Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxii Qaraxyada Al-Shabaab ee Sh/dhexe oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in howlgalo laga sameeyey gobolka Sh/dhexe lagu dilay Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolkaas iyo xubno kale.

Hoos ka akhriso qoraalka oo faahfaahsan

Howgal balaaran oo looga sifaynayay ururka alshabaab deegaanada ay ku dhuumaalaystaan ee Shabeelaha dhexe ayaa Taliska Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Taliska Qaybta 27aad Guutada 3aad ee xooga dalka oo iskaashanaya ay ku qaadeen deegaanda kala ah:

1) Doon Cadale
2) Moora mareere
3) Dheel dhanaan
4) Shanta baraako
5) Kulanta
6) Garasweyne
7) Basro
9) Daniga baaloow
9) Buulo-Kuunto

Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle G/sare, Xassan Dhicisow Xassan oo Hogaaminayay howlgaladii shalay ayaa ka warbixiyay duulaanka ay ku qaadeen alshabaab ayaa sheegay inay ulajeedadiiu ahayd sidii deegaanada farakuriska ah ee ay Gobolka ka joogaan kooxda shabaab looga sifayn lahaa loona sugi lahaa Amniga wadada dheer ee isku xirta Balcad iyo Jowhar.

Weeraradii isdabajooga ahaa ee kooxda Al-shabaab lagu qaaday shalay ayaa looga dilay madaxii qaraxyada u qaabilsanaa alshabaab ee Shabeelaha Dhexe

Warbixinada aan ka helayno dagaaladii shalay lagu qaaday kooxda alshabaab ayaa sheegayo in loo gaystay qasaare lixaad leh oo dhan walba ah.

Dhammaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo qaadacay sharciga doorashooyinka ee horyaalla Baarlamanka Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Konton gantaal oo lagu garaacay Magaalada Ayelet Hashahar

Caydiid Ali

Wareeg labaad oo loo aaday doorashada Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---