Saldhig ciidamada Jabuuti ku leeyihiin bartamaha Somalia oo duqeyn lala beegsaday

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah ku qaaday saldhigga Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Jabuuti ayaa dhankooda Madaafiic kale ku jawaabay, kuwaasoo ay la beegsadeen goobo ay tuhunsanayeen laga soo riday madaafiicda, lamana oga waxyeelada labada dhinac ka soo gaartay madaafiicda la is dhaafsaday.

Shacabka degmada Buula burde ayaa sheegay in madaafiicdii xalay la isweydaarsanayey ay cabsi ku abuurtay, inkastoo uusan jirin khasaare soo gaaray dadka degaanka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgalo ka wado hareeraha degmada Buula burde, iyagoo ka baadi goobaya raggii ka dambeeyay weerarka.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhigyo ku leh degmooyinka Jalalaqsi, Buulo Burde iyo Beledweyne oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -