Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuul caawa lagu dilay Belad-weyne & Mid ka mid ah dableydii dilka geysatay oo..

Guddoomiyahii degaanka Hees oo hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Bilig ayaa caawa lagu dilay magaalada Belad-weyne

Sida wararku sheegayaan dabley Bastoolado ku hubeysan ayaa waxay marxuumka ku dileen xaafadda Xaawa-Taako ee magaalada Beledweyne sida dad goob joogayaal ah ay u sheegeen warbaahinta.

Booliska Beledweyne oo ku dhowaa goobta dilku ka dhacay ayaa markiiba gaaray halkaas, waxaana goobtaas ka dhacay iska horimaad dhexmaray Booliska iyo raggii dilka geystay.

Intii ay socotay rasaasta labada dhinac dhexmartay waxaa la maqlay dhowr qarax oo ka dhashay bam gacmeedyo ay adeegsanayeen, dableyda la dagaalantay ciidamada Booliska.

Saraakiil ka tirsan Booliska magaalada Belad-weyne ayaa sheegay in iska horimaadkaas lagu dilay nin ka mid ah dableyda dilka fulisay, waxaana weli socda howlgalo ciidamadu wadaan oo lagu baadi goobayo dableyda kale ee baxsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo Taageertay Howlgalka Ciidanka Turkiga ka wadaan Afrin

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo niyadjab kala kulmay Saraakiil ciidan uu la kulmay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo 9-ka bishan hortagaya Baarlamaanka iyo Ujeedka oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---