Allbanaadir.com
GALMUDUGMUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Geelle oo qaabilay Qoor-qoor & wafdigii uu horkacayey

Madaxweynaha Galmudug Mudane. Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jabuuti ayay madaxda uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha Galmudug waxaa ku wehliyay shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha,gaadiidka iyo masuuliyiin kale. Dhinaca kale waxaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Guuleed oo sharaxay Barnaamijkiisa siyaasadeed

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo qodob muhiim ah kala hadlay dhigiisa Nikola Selakovic

Caydiid Ali

Dhismaha Dekadda magaalada Baraawe oo maanta la dhagax dhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---