Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta safaro uga baxaya Muqdisho

Waxaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho safaro shaqo ugu kala baxaan Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusii jeeda magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana halkaasi ka socda qabanqaabadii ugu dambeesay ee soo dhaweynta Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa u tagaya magaalada Garawe sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxweynaha maamulkaasi oon la dhacsaneyn xilligan hab maamulka madaxweynaha iyo sidoo kale xukuumadda, saluugna ka qaba sida loo dhisay xukuumadda cusub.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa isna lagu wadaa in maanta safarkiisii ugu horeeyay uga baxo magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul Wasaaraha.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa kusii jeeda magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxa uuna halkaasi u tagayaa sidii u dhiiri galin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda deegaano katirsan gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadweyne careysan oo saaka dibed-bax ka dhigay degmada Ceelwaaq

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay kulan maanta yeelan lahaayeen Baarlamaanka oo baaqday

Cabdi Cade

Shaqsiyada Ninkii laayay ardayda iskuulka Florida oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---