Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho (Maxaa ka soo baxay)

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa gudoomiyay shir gaar ah oo ka dhacay xarunta dowlada hoose.

Shirka ayaa looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Bulshada.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA G/sare Muxiyadiin Warbac Shadoor, ayaa waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga loogu dhageystay Guddoomiyaasha iyo Saraakiisha qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulankaas ka dib faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ka soo baxay kulankaas.

HOOS KA DAAWO HADALKA YABOOH

 

- Advertisement -