Nabad Sugida Somalia oo shaacisay in Amiirkii Al Shabaab si KMG ah xilka looga wareejiyay

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitterka ku leedahay Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in awoodii iyo xukunka si KMG ah looga wareejiyay Amiirkii Al Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in Amiirka Al Shabaab Abuu Cubeyda ay lasoo daristay xaalad caafimaad daro sidaa darteed xilkiisa si KMG ah loogu wareejiyay kuxigeenkiisii ninka lagu magacaabo Abuukar Aadan.

Taliska NISA ayaa qoraalka ay baahiyeen sidoo kale ku sheegay in Al Shabaab dhaxdooda ka bilowday loola xoogan uu u dhaxeeya garabka taageersan Hogaamiyaha Al Shabaab iyo garab kale oo taageersan sargaal lagu magacaabo Mahad Karataay.

”Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey & garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub.” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA baahisay.

Warkan taliska Nabad sugida Soomaaliya  baahisay ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara, mana jiro wali war kasoo baxay Al Shabaab oo lagu beeniyay warkan caawa baahisay NISA sidoo kale lagu rumeenayo warkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -