Golaha Musharixiinta oo War ka soo saaray Shirkii Galmudug iyo Puntland (Akhriso)

Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay shirkii ay Magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Shirkan oo looga hadlay Iskaashiga Puntland iyo Galmudug ee dhinacyada Amniga, bulshada,  horumarka iyo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda, iyadoo War-murtiyeed ay Wadajir u soo saareen ku heshiiyeen inay ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dhinacyada ku kala aragtida duwan hanaanka qabsoomidda doorashada.

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan Wadahadalada iyo shirarka ay kaga arrinsanayaan aayahooda, waxaana sidoo kale ku amaaneen doorka nabadeed ee ay wadaan labada maamul Goboleed.

Hoos ka Akhriso Qoraalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -