Booliska Guriceel oo xabsi ku guray shacab dibed-bax dhigay & sababta ka dambeysa

Dibed-baxyo ayaa maanta ka dhacay  Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasoo looga soo horjeeday amar ka soo baxay Wasaarada Xannanada Xoolaha Maamul Goboleedka Galmudug.

Bananbaxayaasha ayaa  sheegay inay ka cabanayaan amar ay soo rogtay Wasaaradda oo ahaa in dadka ganacsatada ah ee Suuqa xoolaha ku ganacsada ay ka guuraan goobihii ay markii hore ku ganacsan jireen.

Ciidamada ammaanka oo fulinaya amarka Wasaarada ayaa maanta waxay xireen inta badan dadka banaanbaxa ka dhigayay magaalada Guriceel.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka degmada Guriceel C/risaaq Cabdullaahi Faarax ayaa sheegay in ganacsatada laga soo raray suuqii hore la siiyey Suuq cusub, isagoo sharci daro ku sifeeyey dibed-baxa ay sameynayaan.

Ganacsatada Suuqa xoolaha ayaa dhankooda sheegay in waxyaabaha ay ku diiddan yihiin suuqa cusub ay tahay xaalad amni xumo, uuna u wanaagsanaa suuqii hore, iyagoo ku eedeeyey in maamulka degmada iyo ciidamada amaanka ay ku fashilmeen sugidda amaanka suuqa cusub.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -