Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Masuul ka tirsan Maamulka Somaliland oo xilka looga qaaday sabab yaab leh

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa xilkii ka qaaday, Agaasimihii Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashadaas Cabdillaahi Yaasiin Diiriye.

Talaabadan ayaa timid kadib markii qaar ka mid ah dugsiyada Somaliland ardayda loogu dhigay, casharro ka baxsan Manhajka Somaliland, kuwaasoo ku saabsan diinta Kiristaanka.

Agaasimaha Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa lagu eedeeyey manhajka ku soo daray casharro diinta Islaamka ka hor imaanaya.

Agaasimahan xilka laga qaaday ee Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland oo muddo 25 sano ah xilka hayeyayaa wajihi doono talaabo sharciga waafaqsan, iyadoo la soo taagi doono Maxkamad sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari Gadoodsan oo dil iyo Dhaawac galabta ka geestay Muqdisho

admin

Soomaaliya oo saxiixay heshiis looga cafinayo lacag deyn ah oo dhan 1.2 Bilyan

Cabdi Cade

Daawo:-Maxaa ka soo baxay shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay Dhuusamareeb?

admin
Taboola Ads ---