Shariif Xasan: “Doorashada dalka waa inay ku dhacdaa waqtigii loogu talo galay”

Madaxweynihii hore ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sanado ku laabtay maanta magaalada Muqdisho  ayaa ka hadlay xaalada guud ee xiligan uu dalka marayo gaar ahaan arrimaha siyaasada iyo doorashooyinka.

“Waxaa mahad wayn u celinayaa masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho sida milgaha iyo maqaamka sare leh oo ay maanta aniga iyo wafdigayga inoogu soo dhoweeyeen caasimadda dalka wayna ku mahadsan yihiin” ayuu yiri Shariif Xasan.

Waxaa uu sheegay in xiligan aysan ahayn xili mucaarad iyo muxaafad loo kala safto, balse loo baahan yahay in aragtiyada la isugu geeyo doorashada guud ee dalka ka dhici doonta, si horay loo sii wado isla markaana dalka uusan ka hoos marin heerarkii horay loo soo maray.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed  ayaa sheegay iney sunno tahay dalka taladiisa ay noqoto qori isku dhiib, isla markaana waxaa uu ku baaqay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, isagoo ka digay khilaaf siyaasadeed oo ka dhasha doorashada.

“Waa sunno in dalka taladiisa qoray isku dhiib laga dhigo doorashadana ay ku dhacdo si nabad ah oo aan khilaaf dhalin” ayuu yiri Shariif Xasan oo intaa ku daray in in laga wada qeyb qaato doorashada, ruux walibana calafkiisa uu qaadan doono,

“Waxaan moodayay in ley hilmaamay balse ma dhicin mar haddii si heer sareysa la ii soo dhaweeyay” ayuu yiri Shariif Xasan oo mudadii uu dalka ka maqnaa ku sugnaa dalalka Kenya iyo Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -