DEG DEG: Iran oo gantaalo iyo dayuurado dagaal ku weerartay gudaha Israel

Iran ayaa gantaalo ku garaacday Israa’iil, marka laga reebo daraasiin diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil Sida uu sheegay Tvga CNN.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa xaqiijisay in duqeymo weeraro aargoosi ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones ay ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Israa’iil.

Sida laga soo xigtay TV-ga Press TV ee Iran, Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah “waxay bilaabeen duqeymo aad u ballaaran oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah bartilmaameedyada dhulalka la haysto,”

Bayaan kasoo baxay ilaalada kacaanka Iran ayaa sidoo kale laga akhriyay TV-ga dowladda Iran.

“Iyadoo laga jawaabayo dambiga maamulka Sahyuuniyadda uu ku weeraray qeybta qunsuliyada ee safaaradda Iran ee magaalada Dimishiq, ciidamada cirka ee waxay duqeeyeen bartilmaameedyo gaar ah oo ka tirsan dhulka maamulka Sahyuuniyadda iyagoo adeegsanaya tobanaan diyaarado iyo gantaallo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

- Advertisement -