Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo deegaan Beeleed u magacaabay Xaafad katirsan Muqdisho (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa deegaan Beeleed loogu magaacabay qeyb kamid ah xaafada Daaru Salaam gaar ahaan dhinaca Degmada Yaqshiid.

Duqa Muqdisho wareegtada kasoo baxday ayaa deegaan beeleed loogu aqoonsaday Xaafada Daarusalaam gaar ahaan dhinaca Yaqshiid, waxaana xadka deegaankaasi ka bilaabanayaa laamiga Janaraal Daa’uud isagoona ku eg ilaa isgooska Ex-Koontarool Balcad.

Xaafada Daaru Salaam oo markii hore ka koobneyd labo dhinac oo ka kala tirsan degmooyinka Yaqshiid iyo Dayniile ayaa qeybta Yaqshiid loo aqoonsaday Deegaan beeleed, waxaana la filayaa Gudoomiyaha gobolka in uu maamul usoo magacaabo deegaankaasi.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Daarusalaam loogu aqoonsaday deegaan beeleed

Related posts

Khilaaf hareeyay Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamulada

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo xarigga ka jaray Waddo muhiim ah oo Muqdisho laga dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo Shaacisay xiliga uu dhacayo Imtixaanka Qaranka iyo amar la dul dhigay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---