(Sawirro) Dowlada Somalia oo Turkiga kala wareegtay gaadiid casri ah oo Gaashaaman

Sii-hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa Maanta si rasmi ah loogu wareejiyey gaadiid gaashaaman oo dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho taasoo ay joobjoog ahaayeen Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Safiirka Turkiga u joogaa Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay gaadiid Gaashaaman oo ah nuuc casri ah.

Wasiirka iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso ciidanka Xoogga dalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay deeqdan ay wax weyn ka tareyso dib u dhiska ku socda ciidanka Xoogga dalka.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxiibka dhow la ah Somalia, waxaana uu Muqdisho ku leeyahay safaarad weyn iyo saldhig milateri oo lagu tababaro ciidanka Xoogga dalka, isagoo sidoo kale mashaariic lagu horumarinayo adeegyada bulshada ka wada gudaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -