Weerar Madaafiic ah oo mar kale lala beegsaday xarunta taliska AMISOM ee Xalane

Qaraxyo madaafiic ah ayaa maqribnimadii Caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo hoobiyeyaal lagu weerarray xarunta Xalane oo ku taalla nawaaxiga garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle.

Ugu yaraan afar Madfac ayaa laga maqlay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, kuwaasoo dhinaca Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku dhacay.

Weerarkan ayaa ka mid noqonaya weerarro is dabajoog ahaa oo Alshabaab dhowaanahan ku qaadeysay Xalane iyo degaanada u dhow oo ay degan yihiin taliska ciidanka AMISOM, safaaradaha reer galbeedka, heyaddaha QM iyo shirkaddo ajnabi ah.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay Madaafiicdan, iyadoo weerar kan la mid ah oo dhowaan dhacay ay ku dhinteen dad shacab ah oo ku noolaa guryo ku yaalla degmada Wadajir ka dib markii ay ku habsadeen madaafiic habow ah oo loo waday xarunta Xalane.

Alshabaab ayaa la aminsan yahay iney madaafiicdan ka soo tuuraan duleedka Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga degmada Kaxda sida saraakiil ka tirsan dowada Somalia ay horey u sheegeen, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sababta ay DF uga hortegi la’dahay weeraradan hoobiyeyaasha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -