Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jidka Maka Al-Mukarama oo goor dhow laga cararay iyo gaari qarax looga shakiyey oo..

Qeybo ka mid ah wadada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ayaa goor dhow abaarihii 11:10 ee caawa laga kala cararay ka dib markii lagu arkay gaari looga shakiyey in laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa.

Gaarigan ayaa yaalla agagaarka Super marketka Shakata oo ku yaalla inta u dhexeysa isgoyska Dabka iyo Hotelka Weheliye.

Goob joogayaal ayaa Allbanaadir online u sheegay in shakiga laga qabo in gaarigan uu sido qarax uu sii kordhay markii lagu arkay inuu wato labo taariko oo kala duwan.

Ciidamada amaanka ayaa labada dhinac ee wadada ka xiray goobta uu yaallo gaarigan si loo hubiyo iney saaran yihiin waxyaabaha qarxa iyo in kale, waxaana la xiray goobaha ganacsiga ee halkaas ku dhow

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin Burcad ah iyo Mooto uu watay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Weriye ka mid noqday boqol qof oo maanta lagu laayey duqeymaha Gaza

Caydiid Ali

Diyaarad Milatari oo qaadeysa Dhaawacyo oo kasoo degtay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---