Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor-qoor oo tababar u soo xiray ciidamo loo diyaariyey Al-Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada Darawiishta Galmudug oo tababar uga soconayay Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo la laylinayey muddo Dhawr bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 1-aad ee ka baxda Dugsiga Tababarka Ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb.

Khudbad uu jeediyay Ciidamada ayuu ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda & dadkooda kana difaacaan cadowga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen.

Ciidamadan ayaa la filayaa iney howlgalo ka bilaabaan degaanada ay maamulaan Al-shabaab ee gobolada Mudug & Galgaduud sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta oo Yemen ka bilaabanaya iyo Sacuudiga oo…

Cabdi Cade

Qaban-qaabo xooggan oo ka socota Garoowe iyo wafdi culus oo halkaas ku wajahan

Caydiid Ali

C/raxman C/shakur: “Waxaa ka socota Baarlamanka ciyaar garsooraha & laacibka hal qof isku yihiin”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---