Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad qarax siday oo ku socotay gudaha Sacuudiga oo la bur buriyay

Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee ka dagaalamaya gudaha Dalka Yemen ayaa shaaciyay in saakay fashiliyeen qarax kooxda Xuutiyiinta doonayeen in ay ku weeraraan gudaha Sacuudiga.

Ciidamada cirka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in ay bur buriyeen dayaarad nooca aanan duuliyaha laheyn oo ay saarraayeen walxaha qarxa, Diyaaradan ayaana ku wajahneyd gobolka Jazan ee kuyaala Koonfurta Sacuudiga.

Afhayeenka xoogagga Isbaheysiga, Colonel Turki al-Malki, ayaa sheegay in la fashiliyay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo kooxda Xuutiyiinta dooneysay in qarax uga geesato gudaha Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa marar badan weeraro gantaalo ah ku qaaday gudaha Sacuudiga, weeraradaasi qaarkood ayaana dhaliyay khasaaro kala duwan, Sacuudiga ayaana sheegay in marar badan bur buriyeen qantaalo ku wajahnaa Sacuuduga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo eedeeyey Farmaajo, kana hadlay xanibaadii Shiikh Shariif & Xasan Shiikh

Caydiid Ali

Al Shabaab oo todobo qof ku toogatay fagaare & Dambiyada ay ku eedeyeen (magacyada)

Cabdi Cade

Mo Faarax oo ku farxay Go’aan cusub oo kasoo baxay dowladda Britain

Cabdi Cade
Taboola Ads ---