Muuse Biixi oo eedeeyey Farmaajo, kana hadlay xanibaadii Shiikh Shariif & Xasan Shiikh

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay waddakasta u martay sidii ay dowladdiisa cunaha u qaban laheyd

Muuse Biixi ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Carwada Caafimaadka Somaliland oo lagu qabanayo magaalada Hargeysa maanta.

”Dowladda Xamar ka dhisan oo aad ogtihiin inta weerar ay nagu qaadday taasoo markii la doortayba dagaalkeeda ku bilowday mashruucii dekedda Berbera, iyadoo ku hanjabtay inay xiriirka u jareyso carabta taasoo micneheedu yahay maxaad u hormareysaan. Waxaa taasi xigtay in sanduuqii SDF ee Somaliland caawin jiray ay naga xayireen iyagoo warqad u qoray waddamada Yurub”, ayuu yiri Biixi.

Waxaa uu sheegay in dowlad kasta oo soo dhoweysa Somaliland ay dowlada Somalia xiriirka u jarto.

”Dowlad kasta oo Somaliland soo dhaweysa amaba marti qaadda cilaaqaadka ayey u jaraan, waxaad kaloo ogeydeen dagaalkii ay Tukaraq ku soo qaadeen” ayuu yiri madaxweyne Biixi

Waxaa uu soo hadal qaaday dhacdadii dhowaan dowlada Somalia ku xanibtay madaxweynayaashii hore ee Somalia oo ka dhoofayey garoonka dayuuradaha Muqdisho.

”Waxaa wax laga naxa ah in xubno ka tirsan xisbiga waddani ay ammaan kala dul dhacaan dowladda Xamar, ma nimankaas baa ammaan naga mudan mise waxay istaahilaan in lala dagaalo, ma waxaanu Farmaajo uga dayanaa dhaqanka uu labadii madaxweyne ee hore uu ku xiraayo elaboorka, xitaa dhaqan Soomaaliyeed ma ahan waxaasi”. ayuu intaasi ku sii daray Madaxweyne Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -