Allbanaadir.com
NEWS

Go’aano kasoo baxay Kulan Mahdi Guuleed la qaatay Guddiga Gaadiidka Xamuulka Ee Dekadda Muqdisho (Sawirro)

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah guddiga gaadiidka xamuulka ee Dekadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen sii hayaha wasiirka gaadiidka, taliyaha booliiska iyo taliyaha nabad gelyada wadooyinka, ayaa looga hadlay tayeynta gaadiidka xamuulka ka qaada dekadda.

Go’aannada lagu gaaray kulanka waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo goobo gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado cariiriga badan ee ay ku hayaan wadooyinka magaalada Muqdisho.

Guddi loo saaray inay ka tala bixiyaan dhameystirka shaqada ayaa la faray inay mudda laba maalin gudahood soo dhammeystiraan hannaanka lagu wajahayo dhaqan gelinta dhamaan qodobadii la iskula gartay kulanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Rooble oo shir isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada & G/Banaadir

Caydiid Ali

Dowlado Carbeed oo ka carooday go’aan uu ansixiyey Baarlamanka dalka Turkiga

Caydiid Ali

Wasiirkii hore ee amniga Somalia oo ku guuleystay doorashada kursiga HOP011

Caydiid Ali
Taboola Ads ---