Goob laga qodi jiray Macdanta oo si lama filaan ah isugu bedeshay Goob Dalxiis (Sawirro)

Goob macdanta laga qodi jiray oo kutaala duleedka magaalada Abuja ee caasimada dalka Nageria ayaa isku bedeshay goob dalxiis ay maalin walbo tagaan dad badan oo doonaya in waqti nasiino kusoo qaataan.

Dalxiisayaal u badan dhalinyaro ayaa taga waqti qurux badana kusoo qaata goobtan oo lagu magacaabo Crushed Rock, waxa ayna goobtan hada indhaha dad badan soo jiidatay horey u aheyd goob laga qodi jiray macdanta balse markii dambe laga guuray.

Dadka u dhashay Nageria oo markii hore dalxiis u aadi jiray goobo fog fog iyo wadamo kale ayaa mudooyinkan dambe bilaabay in ay ku dalxiisaan gudaha dalkaasi gaar ahaan goobaha ay u arkaan in waqti lagu qaadan karo.

Goobtan cusub ee hada noqotay meel dalxiis ayaana dhalinyarada taga kusoo qaata waqti badan iyaga oo qaata muusik sidoo kale kusoo gala sawiro biyaha godka ku jira iyo sidoo kale dhirta quruxda badan ee halkaasi ka baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -