Maraykanka oo qoranaya magacyada dadka kasoo horjeeda go’aankiisa Qudus iyo Trump oo u hanjabay dalalka …

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay diiwaangashan doonto shaqsiyaadka iyo dalalka kasoo horjeedsada go’aanka ay ka gaartay arrimaha Qudus.

Hadalkan ayaa waxa uu soo baxay kadib codka la filayo in go’aankaas lagu dhaleeceeyo kadib kulan maanta yeelanayaan Golaha Loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Wakiilka Maraykanka ee Golaha Ammaanka Nikki Haley ayaa dalalka xusuusisay in madaxweyne Trump uu iyada faray in ay ku wargaliso dalalka kasoo horjeedsada go’aanka Maraykanka safaaradiisa ugu rarayo magaalada Qudus.

Qaraarka la horkeenay Qaramada Midoobay ayaa inkasta oo magaca Maraykanka uusan ku xusnayn, haddane waxa uu ku baaqayaa in go’aanka kasta oo ku saabsan Qudus uu yahay mid sharci darro ah.

Maqaamka magaalada Qudus ayaa udub dhexaad u ah xasaradaha mudada dheex ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiniyiinta.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay.

“Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta.

“codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.”

Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

- Advertisement -