Madaxweyne Waare oo la kulmay Saraakiishii ciidan ee tagay Baladweyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Baladweyne xalay kula kulmay saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan  Qeybta 21aad oo xalay gaaray magaaladaasi.

Saraakiishan iyo ciidamo badan oo ay hogaaminayeen oo ka tagay magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa lagu soo dhaweeyay Baladweyne, waxaana ujeedka ciidankan lagu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan howlgalo ka shan ah Al Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay kulana kula qaatay saraakiisha hogaamineysay ciidanka gaaray magaalada Baladweyne.

Waare iyo Saraakiisha ayaa kawada hadlay arimo badan ay kamid ahaayeen sidii ciidanka iyo maamulka isaga kaashan lahaayeen howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee la filayo in ay ka bilowdaan gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -