Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo xariga ka jaray xarun Caafimaad (Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dowlad goboleedka Galmudug Mahad Caabi Ciise ayaa xariga jaray xarun Caafimaad oo laga hirgeliyey degaanka Dhar-dhar oo dhinaca waqooyi 19-km kaga toosan Magaalada Bandiiradley ee gobolka Mudug.

Degaanka Dhar-dhar ayaa ka mid ah degaanada soo korayay 10-kii sano ee ugu dambeysay, iyadoo dadka degaanka ee gudaha iyo dibada ku nool ay dhowr xarumood si isku-tashi ah u dhisteen, waxaana ka mid ah Masaajid, Madarasooyin laga barto Diinta, dugsi hoose iyo xaruntan Caafimaad ee hadda xariga laga jaray sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka degaanka.

“Bilo ka hor ayey go’aansadeen dadka degaanka inay xarun Caafimaad dhistaan wayna ku guuleysteen. Xaruntan ayaa noqoneysii tii ugu horeysay ee degaanku yeesho, waxaana ka faa’iideysan doona degaanada kale ee ku hareeraysan degaanka oo aan laheyn wax xarun Caafimaad ah” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka oo intaas ku daray in hooyooyinka foolanaya iyo dadka xanuunsada loo qaadi jiray Magaalooyinka Bandiiradley iyo Gaalkacyo, ayna rajaynayaan in xaruntan Caafimaad ay wax badan ka qaban doonto dhibaatooyinkaas.

Guddomiye ku-xigeenka degaanka Dhar-dhar ayaa dhinaca kale ka waramay baahiyaha weli ka jira degaanka oo uu sheegay iney ugu daran tahay biyo la’aan, isagoo xusay in biyaha looga keeno degaano kale dhibaato badana lagu qabo, wuxuuna ka codsaday Maamulka Galmudug, heyadaha gargaarka iyo dadka Muxsiniinta ah iney ka gacan siiyaan sidii degaanka loogu sameyn lahaa Ceel-biyood.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dowlad goboleedka Galmudug Mahad Caabi Ciise oo munaasabadan ka hadlay ayaa ugu horeyn ku amaanay dadka degaanka sida isku tashiga leh ee degaankooda ay uga hirgeliyeen xaruntan Caafimaad oo uu sheegay iney tusaale  u tahay muhimada ay leedahay bulshadu iney danahooda ka shaqeeyaan.

“Iyadoo laga duulayo halku dhiga dowlad goboleedka Galmudug uu hogaamiyo Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye (Qoor-Qoor) ee ah (Gurmad iyo Gargaar) ayaa Wasaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada waxay qalab, dawo iyo shaqaale Caafimaad horey u keentay xarunta caafimaadka Dhar-dhaar, sidoo kale Wasaraddu waxay balan-qaadeysa iney tababar ugu sameyso Isbitaalada Bandiiradley iyo Gaalkacyo Shaqaalaha Caafimaadka ee degaanka Dhar-dhaar” ayuu yiri Wasiir Mahad oo intaas ku daray in Wasaaradiisu garab taagan tahay dadka degaanka Dhar-dhar, ayna la qaban doonto wixii karaankeed ah.

Waxaa sidoo, kale Munaasabada furitaanka xarunta caafimaad ka qeyb galay hadalo koobana ka jeediyey Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Cadaalada iyo Garsoorka Galmudug,  Xildhibaan Mohamud Diini oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug. Taliyaha Booliska degmada Bandiiradley iyo mas’uuliyiiin kale, iyadoo munaasabadaas ay ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -