Heshiiskii Dhuusamareeb 3 wuxuu banaanka soo dhigay saddex arrimood oo Qarsoonaa!!

Dhuusamareb 3 waxey banaanka soo dhigtay saddex waxyaabood oo kharsoonaa, kuwaasoo kala ah, wejiga qarsoonaa ee Mr. Xoor Xoor oo ay cadaatay jihada siyaasadiisu u dhacayso oo ah meesha dabeyshu u dhaceyso; wajiga qarsoonaa ee Ambassador Donlad Yamamoto oo ay cadaatay inuu ka mid yahay lataliyeyaasha ah milikiileyaasha Madaxweyne Farmaajo oo go’aanka nuuca doorashada u soo meeriyey; xulashada qarsooneed ee kuraasta senatarada iyo kuwa xildhibaanada oo ay cadaatay in lagu heshiiyey boobistooda iyo ku shubashadooda.

Dhuusamareb 3 waxey sidoo kale banaanka soo dhigtay saddex waxyaabood oo mugdi madow uu ku dhexjiro, kuwaas oo kala ah, gudcurka ku dhexjira doorasho xisbi oo hadana ku saleysan hanaanka soo xulid musharixiin qabyaaladeysan; gudcurka ku dhexjira kalsoonida lagu aamini karo GMDQ iyo sharciyeynta doorashada ee gudoonka Golaha Shacabka; gudcurka ku jira doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo aan miisaaniyadeedii, maamulkeeda, iyo amnigeeda aan midna looga heshiin si loo wada dhan yahay.

Dhusamareb 3 waxey talo wanaagsan ku soo jeedisey saddex waxyaabood oo loo baahnaa, kuwaas oo kala ah, waxey ahayd tiro loo baahnaa ergada soo dooraneysa kursi walba oo ah 301 (inkasta oo ay ku wanaagsaneyd 303), taas oo guud ahaan ka dhigeysa qiyaasta ergada guud boqol kun (303 X 329 = 99,687), waxeyna taas sharciyad siineysaa in tiro badan oo ka mida shacabka Soomaaliyeed ay ka qeybgashay doorasho toosan (direct democracy); waxey ahayd wax loo baahnaa in doorasho xisbi dib dalka loogu soo celiyo oo la awood siiyo siyaasiyiinta meesha weligeed odey dhaqameedka uu si qaldan u haystey awoodaas; waxey ahayd wax loo baahnaa in degmooyin fara badan ay fursad qiimo badan u helaan iney dadka degaankeedu ka qeybqaataan xaqa ay u leeyihiin iney u codeeyaan madaxda ku meteleysa arrimaha siyaasadahooda.

Dhusamareb 3 waxey si qadafa uga jaro boodey saddex waxyaabood oo aad loogu baahnaa, kuwaas oo kala ah, waxey ka il duuftay in doorashada ay shaki badan ku gadaaman tahay sidaas daradeedna loo baahan yahay korjoogto caalamiya; waxey ka boodeen doorashada madaxweynaha iney wax ka bedelaan hanaankii hore ee wax lagu dooranayey, loona baahnaa in lagu sameeyo isbedel ogolaanaya hanaanka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen sida ka jirta maamul goboleedyada dalka, waxna laga bedelo tirada dooraneysa madaxweynaha, maxaa yeelay 329 xildhibaan in la musuqmaasuqiyo kala barkood waa wax sahlan; waxey doorka xisbiyada ku soo koobeen xulashada musharixiintooda u taagan tartanka kuraasta baarlamaanka, waxeyna ka boodeen iney kaalin kowaad ku yeeshaan talooyinka geedi socodka doorashada iyo qeyb ka noqoshada gudiyada lagama maarmaanka u ah xaqiijinta xoriyada iyo xalaalnimada ay doorashadu u dhaceyso, iyo awood siinta maqaamka xisbiyada ay kaga jiraan masiiirka siyaasadda dalka.

Madaxweyne Farmaajo qorshe doorasho oo uusan horay u soo diyaarin guusheeda ugama heli karin Dhusamareb 3, go’aan baarlamaan lagula noqdana meesha ma oolin, maxaa yeelay haddii baarlamaanku awood leeyahay looma baahnaadeen go’aan wadatashiya in lala galo madaxda maamul goboleedyada, laakiin in xeer jajab jujuuba lagu heshiiyo waxaa kaliftay danta iyo duruufaha jirta oo qasab ka dhigtay in heshiis lagu wada qanacsan yahay la wada gaaro. Qolooyinka shirka ka maqan waxey istusiyeen in la qasbo magacaabista raisulwasaaraha si awood qeybsiga beesha hadda kurisgaas leh loogu qanciyo dib u hanashada jagadaas, loogana reebo tartanka madaxweynaha oo u muuqda iney meel cidlo ah ay ka qaadan karaan beesha hadda xilkaas ku fadhisa, taas oo ay ugu muuqato ineysan sinaba suutogal ku ahayn in madaxweynaha hadda ku fadhiya kursiga uu dib ugu soo noqdo.

Dhusamareb 3 wuxuu albaabada u balaqay jihooyin badan oo cid walba sidey wax u rabto loogu yeeli karo sida, ogolaanshaha doorasho dadban, ogolaanshaha doorasho xisbiyo dadban, ogolaansha wakhti kororsi dadban, ogolaanshaha sharciyeeyn baarlamaan dadban, ogolaanshaha doorasho dadban oo ay maamulaan Gudiga Doorashada Qaranka, ogolaansho dadban ee saamiga ay ku yeelanayaan doorashada madaxda maamul goboleedyada, iyo ogolaanshaha dadban ee u qoor-dhiibashada dalabyada bulshada caalamka. Shirkaas jahowareerkiisa waxaa looga gudbi karaa kulan wadatashi balaarana oo qadiyadaha aan isla saan qaadi karin lagu kala hufayo oo lagu kala haadinayo, waxaana lagama maarmaan ah in kaalinta ugu muhimsan ay qaataan madaxda maamul goboleedyada ka maqnaa shirka Dhusamareb 3, siyaasiyiinta mucaaradka, madaxda xisbiyada, ururada bulshada rayidka, hogaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahanka, iyo ururada haweenka.

Waxaa la qiyaasayaa inuu weli dhiman yahay biseylka lagu gaarayo heshiis wadareed guud oo la isku afgarto, sidaas daradeedna weli loo baahan yahay saddex shir oo kale oo qiyaasta laba ka mida lagu qabto Puntland si loogu saxo qaladaadkii ku dhacay Dhusamareb 3, kan u dambeeyana lagu soo gunaanado Muqdisho.

Waxaa Qoray:
Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Guddoomiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyeed
Maine. Texas, USA

- Advertisement -