Ciidanka Booliska oo fagaare ku gubay Khamri badan oo lagu soo qabtay howlgal (Sawirro)

Ciidamada Booliska iyo kuwa millatariga Magaalada Caabudwaaq oo iskaashanaya ayaa waxay soo qabteen Qamri iyo Dadkii ka ganacsanayay, ka dib howlgallo ay Saacadahii la soo dhaafay ka sameeyeen degmadaas.

Taliyaha Booliiska saldhiga degmada Caabudwaaq G/lle Qalbi Axmed Cali oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen 7 ka mid ah dadka ka ganacsada Maandooriyaha Qamriga.

Taliyaha ayaa tilmaamay in khamrigan laga soo geliyo dhanka Itoobiya, wuxuuna bulshada iyo dadka keenaba uga digay isticmaalka iyo ka ganacsiga Qamriga oo Diinta Islaamku mamnuucday isticmaalkiisa.

Khamriga ayaa lagu burburiyay goob fagaare ah oo ay ku sugnaayeen Dadweynaha Magaalada iyo saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada amniga Caabudwaaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -