Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Goodax oo shaqadii ka eryey Iimaan C/llaahi, eedeymo culusna u jeediyey (Akhriso)

Wasiirka Waxbarashada Somalia C/llaahi Goodax Barre ayaa shaqadii ka eryay agaasimihii xafiiska Hay’adda Care Soomaaliya Iimaan C/llaahi.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Care Soomaaliya uu hawlo Siyaasadeed faraha kula jiray, uuna xiisad aan loo baahnayn ka dhex abuuray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada.

Sidoo kale waxaa Agaasimaha la cayriyay ee Hay’adda Care Soomaaliya lagu eedeeyay inuu kalsooni daro dhex dhigay deeq-bixiyayaasha iyo dawladda dhexe gaar ahaan dhanka Waxbarashada.

“Kaddib eedaymo badan oo uu Iimaan C/llaahi lugaha la galay Wasaaradda Waxbarashadu wax wadashaqayn ah lama sii yeelan doonto Xafiiska agaasimaha Hay’adda Care Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Goodax oo qoraalkiisa loo diray madaxda Hay’adda Care ee caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan dowladda ka codsatay in ay la raadiyaan Darawalkii Farmaajo oo la waayay

Cabdi Cade

Madaxa Hay’ada WHO oo Laga Codsaday In uu Iscasilo iyo sababta keentay

Cabdi Cade

(Akhriso) Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo war ka soo saartay ciidankii shalay galay xarunteeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---