Ookiyaale uu xiran jiray halgamaagii Mahatma Gandhi oo lacag waali ah lagu iibsanayo

Mid ka mid ah Ookiyaalihii uu xiran jiray halgamaagii reer Inida ee Mahatma Gandhi ayaa todobaadka dambe lagu xaraashi doonaa Suuq xaraash oo ku yaalka magaalada Bristol ee dalka Britain.

Shaqaale ka tirsan East Bristol Auctions oo ah xarun agabka qadiimka ah lagu xaraasho ayaa muraayaddaa Isniintii ka helay baqshad ay ku jirtay oo la soo diray.

Adrew Stowe oo ka tirsan shirkaddaa xaraashka agabka qadiimka ah ayaa sheegay in muraayadda la filayo in qiimaheedu gaarayo £15,000 waxaanu intaa ku daray in ay tahay wixii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda shirkaddaas.

Wuxuu sheegay in qofkii lahaa muraayadda wadnuhu is taagi gaaray markii loo sheegay qiimaha muraayadda.

”Qof ayaa noogu soo diray boostada Jimcihii, oo waxay iskaga jirtay ilaa Isniintii. Mid ka mid ah shaqaalahayaga ayaa bashqadda ii dhiibay oo igu yiri waxa la socda qoraal sheegaya inay tahay muraayaddii Gandhi”, ayuu yiri Stowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -