Isra’il oo ku dhaw in Heshiis Nabadeed la gasho dowladii labaad oo Carab ah !!

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sudan ayaa sheegay in dowladdiisu “ay rajeyneyso in ay soo gabagabeyso heshiis nabadeed oo ay la yeelato Israel,” sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Israel iyo Sudan ayaa Talaadadii sheegay in ay ku dhow yihiin in ay gaaraan heshiis nabadeed, maalmo uun ka dib markii Israel ay heshiis taariikhi ah la gashay Imaaraatka Carabta.

Warbaahinta Sky News Arabia ayaa ka soo xigatay Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Sudan Haidar Badawi Sadiq oo yiri “ma jirto sabab ay u sii socotto cadaawadda ka dhexeysa Sudan iyo Israel.” “Ma beenineyno in ay jiraan wadahadallo u socda labada dal,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Isaga oo ka jawaabaya warkan, Ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu “sameyn doono wax walba oo lagama maarmaan ah” si heshiis loo gaaro.

Bishii February, Isma’il iyo Sudan ayaa ku heshiiyay in ay horay u sii ambaqaadaan wadahadallada lagu doonayo in xiriirka labada dal la caadiyeeyo ka dib kulan laba saacadood qaatay oo dhex maray Netanyahu iyo Abdel Fattah al-Burhan, oo hogaamiya Golaha KMG ah ee ka taliya Sudan.

Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkii la soo dhaafay noqday dalka saddexaad ee carbeed oo xiriir rasmi ah la sameysta Israel, isaga oo ku biiray dalalka Masar iyo Urdun. Waana dalkii u horreeyey ee tallaabadaasi oo kale qaada 26-kii sano ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -