Madaxweyne Ibrahim Boubacar oo is casilay kadib markii ay xireen Ciidamo milatari ah

Madaxweynihii dalka Mali Ibrahim Boubacar Keïta, ayaa shaaciyay in uu is casilay sidoo kale kala diray Baarlamaanka dalkaasi saacado kadib markii ay xabsi dhigeen ciidamada milatariga dalkaasi.

Khudbad uu telefishinka dalkaasi ka jeediyay Madaxweyne Ibrahim ayuu ku sheegay in uu xika uga digay si uusan dartiis dhiig ugu daadan, waxa uu sidoo kale cadeeyay in uu kala diray Baarlamaanka dalkaasi.

Ciidamada milatariga dalkaasi ayaa qaab u muuqday Afgambi xilka uga tuuray Madaxweynaha dalka Mali, ciidamada ayaana shalay xabsiga dhigay Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada dalkaasi.

Midowga Afrika iyo dowlada Faransiiska oo horey usoo gumeesatay dalka Mali ayaa si kulul u cambaareeyay talaabada milatariga xilka uga tuureen dowladii sharciga aheyd ee ka dhisneyd dalka Mali.

Madaxweynaha is casilay ee dalka Mali ayaa la doortay sanadkii 2018-kii, waxaana dalkaasi mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday banaan baxyo looga soo horjeeday dowlada oo lagu eedeeyay in musuq maasuq ku kacday waxna ka qaban weysay amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -