Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ku biiraya Kumandoska Somalia oo tababar loogu qaaday Turkiga (Sawirro)

Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia ayaa saaka mar kale tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xil.Xasan cali Maxamed Amar-dambe ayaa sagoodiyay Ciidamo Kumaandoos ah gaar ahaan Ururka 5aad Dufcadiisa 3aad oo Tababar gaar ah ku soo qaadanaya dalka Turkiga.

Ciidamadan oo gaaraya boqolaal askari ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Muqdisho ka qaaday dayuurad milateri oo ay leeyihiin ciidamada Turkiga.

Kumanaan ka tirsan milateriga Somalia ayaa horey loogu soo tababaray Turkiga oo ah saaxiibka ugu weyn Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ciidamada Turkigu oo Duleedka Muqdisho ku leh saldhig milateri ay halkaas ku tababareen kumanaan kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caro ka dhalatay Nin qaba Cudurka Aids oo xoog looga saaray Isbitaal (Daawo Sawirada)

admin

Golaha Wasiirrada Somalia oo ansixiyay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo diiday dalab xasaasi ah oo ka yimid dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---