Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho & Khasaaraha ka dhashay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax aad u xooganaa oo caawa fiidnimadii laga maqlay  magaalada Muqdisho meelo badan oo ka mid ah.

Qaraxan ayaa ka dhacay wadada isku xirta Suuqa beerta iyo Dugsiga sare ee 21-ka Oktoobar oo ka tirsan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday miino la dhigay wadada dhinaceeda oo lala beegsaday nooca raaxada ah (Surf) oo xiligaas marayey wadada.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu ku dhaawacmay nin la socday gaarigaas oo aan la ogeyn qofka uu ahaa, isla markaana uu khasaare burbur soo gaaray gaariga.

Ciidamada amaanka DF ayaa gaaray goobtaas, iyagoo xiray wadada, waxayna wadaan baaritaano kala duwan, iyadoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas ay cirka u ridayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay Mohamed Al-Hamadi

Cabdi Cade

Dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay xaalada Madaxweyne Geelle

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Tirinta Codad doorashada oo soo dhamaatay (Akhriso sida codadka loo kala helay)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---