Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay xaalada Madaxweyne Geelle

Dowladda Jabuuti ayaa beeniyay warar ku saabsan caafimaadka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in uu wanaagsan yahay Caafimaadka madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle kadib markii ay saacadihii lasoo dhaafay soo baxeen wararkaasi ka deyrinaya xaaladiisa caafimaad.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa xaqiijiyay in uu caafimaad qabo madaxweyne Geelle balse xanuun ka dareemayo jilibka midig inkastoo uusan faahfaahin ka bixin xanuunkaasi.

“Madaxweynuhu wuu shaqaynayaa, aad buuna u wanaagsan yahay, waad necbaan kartaa hoggaamiye ilaa heer aad dhimasho ku tilmaanto qof muslim ah… haa jilibka midig waa ka xanuunsaday waa bin’adan” ayuu yiri wasiir Ilyaas Dawaale.

Hadalka wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti , ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay shaki la galinayay xaalada nololeed ee Madaxweyne Geelle oo la dhigay isbitaal xaaladiisa lagula tacaalayo.

Related posts

Laftagareen oo wada qorshe masraxa Siyaasada looga saarayo siyaasiyiin caan ah

Caydiid Ali

Shir loo hadlayay Tiirka caddaaladda & garsoorka madaxa bannaan oo ka dhacay Muqdisho (Sawiro)

admin

Taliyihii Booliiska Somaliland oo Caawa geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---