Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay Mohamed Al-Hamadi

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka golaha wadatashiga qaran ayaa kulamo la qaatay masuuliyiin kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Mohammed Ahmed Othman Al-Hamadi, waxa uuna kala hadlay arrimo dhoor ah.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Jubbaland iyo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kawada hadlay arrimaha gurmadka abaaraha iyo sidii dowladda Imaaraadka gacan uga geesan laheyd u gargaarida dadka abaarta saameesay.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al-Hamadi, ayaa ballanqaaday in dowladda Imaaraadka intii karaankeeda ah gacan ka geesaneyso wax u qabashada dadka abaarta saameesay gaar ahaan kuwa Jubbaland ku sugan.

Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo kala duwan la qaato wakiillo katirsan beesha caalamka iyo madaxda dowladda federaalka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaaradii waday Fahad Yaasiin oo Dib ugu laabatay Turkiga iyo Qorshe cusub oo socda

Cabdi Cade

Maamulka DF ee G/Gedo si kulul uga hadlay Wararka sheegaya in looga yeeray Muqdisho

Caydiid Ali

Xaaf oo ka hadlay cida uu ka shaqeyn waayey mudadii uu Madaxda ka ahaa Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---