Siyaasi Caan ah oo Shaaciyay cidii fududeesay Weerarkii Xabsiga Dhaxe iyo Ujeedka laga lahaa

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan oo kamid tahay weerarkii shalay ka dhacay gudaha Xabsiga Dhaxe ee Xamar.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Xabsiga Dhaxe ee Xamar la galiyay hub si loo fakiyo xubno katirsan Al Shabaab oo xabsigaasi ku xiran, waxa uuna xusay in arintaasi ka dambeeyeen ayna qorsheeyeen taliska Nabad sugida.

”Taliska Nabad sugida waxa uu noqday xarun fasahaadsan oo lakala garaneyn iyada iyo Al Shabaab, xalay Shabaab ayaa hub loo galiyay xabsiga Dhaxe ee Xamar si loo fakiyo xubno Shabaab ah oo xabsiga ku xirnaa, waxbo yaanan lagu mar marsiyoon masuuliyiin iyo saraakiisha xabsiga madaxda ka ah waa qorshe taliska Nabad sugida ka socda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay kala garan la’ yihiin taliska Nabadsugida in uu yahay Shabaab iyo mid u shaqeeya umada Soomaaliyeed, waxa uuna ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha lasoo magacaabi doono in talaabo ka qaado taliskaasi.

”Waxaan kala garan la nahay in taliska Nabad sugida yahay mid Shabaab u shaqeeya iyo in uu yahay mid umada Soomaaliyeed u shaqeeya, R/Wasaaraha la magacaabi doono hadii uu rabo kalsoonida dadka waa in uu wax ka qabtaa taliska Nabad sugida ” ayuu yiri Mr Warsame.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha lasoo magacaabi doono in uusan noqon mid maqaar saar ah oo madaxtooyada u adeega balse laga rabo in uu wax badan ka qabto xaalada amaan, xaalada kala guurka iyo in uu furo wadooyinka caasimada ee xiran.

Hadalkan kasoo yeeray Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya xili shalay galab weerar khasaaro badan dhaliyay gudaha xabsiga uu ka dhacay , kadib markii Maxabaiis Al Shababa katirsan dagaal la galeen ciidanka xabsiga ilaaliya.

- Advertisement -