Akhriso : Afar Shuruud oo dowlada Somalia ku xirtay in in xayiraada laga qaado Jaadka Kenya

Dowlada Soomaaliya ayaa xayiraad saartay jaadkii dalka la keeni jiray kadib markii uu dalka soo gaaray cudurka Caronavirus, waxaana wali dowlada xayiraada aysan ka qaadin Jaadka oo inta badan ka imaan jiray Kenya.

Wafdi ka socday Ganacsatada Jaadka dalka Kenya oo dhawaan magaalada Muqdisho ayaa dowlada federaalka kala hadlay sidii loo qaadi lahaa xayiraada jaadka,hasa ahaatee dowlada federaalka ayaa shuruudo adag ku xirtay in jaadka dib loo fasaxo.

Wargeyska Busniss Daily oo wax ka qora arimaha ganacsiga ayaa sheegay in dowlada federaalka shuruudo adag ku xirtay in ay fasaxdo ganacsigii jaadka ee ka imaan jiray dalka Kenya .

Waxa uu sheegay Wargeyska in Dowlada Soomaaliya afar shuruud oo ku adag fulinteeda dowlada Kenya in ay ku xirtay in ay qaado xayiraada jaadka laga keeno dalka Kenya, Shuruudaha dowlada Soomaaliya ku xirtay Gancastada Jaadka ayuu Wraeysku ku sheegay.

1: In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed.

2: In kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya

3: In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

4: In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya.

Ganacsatada Jaadka ee dalka Kenya ayaana ku guul dareestay in dowlada Kenya ku qanciyaan fulinta shuruudahan lagu xiray in ganacsiga jaadka dib loo fasaxo, waxaana Wargeysku sheegay in ganacsatada aad u walaacsan yihiin lana soo daristay dhaqaalo xumo.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhoor mar hawada ka celisay diyaarado jaad kasoo qaaday dalka Kenya, waxa ayna dowlada federaalka amartay in diyaarad jaad sida in aysan dalka soo geli karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -