Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo howlgal gaadmo ah ku dilay sargaal iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal gaadmo ah ka fuliyay duleedka degmada Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in halkaasi ku dileen sargaal iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-ka Oktoobar ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Axmed Maslax Xuseen ayaa sheegay in ciidanka milatariga weerar ku qaadeen dagaalyahano isku aruursanayay meel 6-km u jirta degmada Owdheegle.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalkaasi intii ay socdeen ku dileen sideed xubnood oo katirsan Al Shabaab uu ku jiro Amiirka Al Shabaab u qaabilsanaa degmada Owdheegle iyo deegaanada hoostaga.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa mararka qaar howlgalo gaadmo ah ka fuliya qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan deegaano ay Al Shabaab maamulaan, waxaana howlgaladaasi labada dhinac kasoo gaara khasaaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dab xoogan oo qabsaday Goobo ganacsi oo kuyaala Muqdisho oo la damiyay

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo booqasho ku tagay Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Macawsiley oo ugu dambeyn Al-shabaab ka saaray degaanka Caad (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---