Dab xoogan oo qabsaday Goobo ganacsi oo kuyaala Muqdisho oo la damiyay

Dab xoogan ayaa maanta qabsaday goob shidaalka lagu keediyo kuyaala meel ku dhaw Isgooska Black Sea ee magaalada Muqdisho, waxaana dabkan daqiiqado kadib lagu guuleestay in la damiyo.

Sida aan wararka ku heleyno dabka ayaa lagu guuleestay in la damyo kahor inta uusan kusii fidin goobo kale oo ganacsi gaar ahaan goobaha lagu iibiyo shidaalka iyo arumo kale oo ganaci.

Dabkan qabsaday goobaha ganacsi ayaa dhaliyay khasaaro maaliyadeed, wali lama oga in ay jiraan khasaaro nafeed oo ka dhashay dabkan kacay , ciidamada amaanka ayaana goobta dabku ka kacay gaaray si amaanka u xaqiijiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -