Dibad baxayaal careesan oo qabsaday xarumo Wasaaradeed iyo xarumo kale (Sawirro)

Magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan waxaa ka socda banaan bax balaaran oo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi ,kuwaa oo kasoo horjeeda dowlada ay ku eedeeyeen in ay ku fashilantay kahor taga qaraxii dhawaan dhacay.

Dadka dibad baxa dhigayay ayaa gubayay sawirada Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale, waxa ayna ku baaqayeen in madaxda dowlada is casilaan maadaama ku fashilmeen sugida amaanka shacabka.

Qaar kamid ah dadka banaan baxa dhigaya ayaa xoog ku galay xarumo wasaaradeed iyo sidoo kale xarumo kale oo dowladu leedahay, waxa ayna dadkaasi ku baaqayeen in lala wareego dhamaan xarumaha dowlada.

Dibad baxayaasha ayaa ku eedeeyay dowlada in ay ku guul dareesatay kahor taga qaraxii Lubnaan ku dilay dad ka badan 150-qof, waxa ay sidoo kale dowlada ku eedeeyeen maamul xumo.

Ra’iisal wasaaraha dalka Lubnaan, Xasan Diyaab, oo telefishinka kala hadlay shacabka, ayaa sheegay inuu codsan doono doorasho baarlamaan oo xilligeeda laga soo hormariyay si looga gudbo xiisadda taagan.

Dalka Lubnaan ayaa waxaa ka taagan khalalaase siyaasadeed oo haraadiyay dowlada dalkaasi , waxaana xaalada uga sii dartay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay e dhawaan ka dhacay dekadda magaalada Beyruut.

- Advertisement -